Rooble oo u Hambalyeeyey oo Guddoonka KMG ee maanta ay doorteen Xildhibaanada Labada aqal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeeyey Labada Guddoomiye ee KMG ee maanta ay doorteen Xildhibaanada Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

 

“Waxaan u hambalyeynayaa labada guddoomiye ee KMG ah ee Golaha Shacabka Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad iyo Aqalka Sare Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf Gaagaab. Waxaan u rajeynayaa in ay ku guuleystaan maamulka doorashada guddoonnada rasmiga ah ee labada aqal sida ugu dhaqsaha badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.