RW Rooble Iyo CC Shakuur Oo kulan yeeshey

Waxaa xalay kulan xasaasi ah Muqdisho ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Kulanka ayaa billowday Salaadda Maqrib kadib waxaana uu qaatay muddo Saacado ah, waxaana kulanka diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin tabashada doorashooyinka ee la xariira guddiyada, arrinta Somaliland iyo Gedo.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa kulanka kadib soo saaray Qoraal, waxaana uu sheegay in ay ka wada hadleen xorriyada ololaha doorashooyinka oo ay ka mid yihiin kulamada dadwaynaha iyo dibadbaxyada, si wadajir ahna looga shaqeeyo xasiloonida dalka.

“Waxaan maanta xafiiskiisa kulan ku yeelanay Raysalwasaaraha Dawlada Federaalka ah, mudane Maxamad Xuseen Rooble. Waxaan ka wada hadalnay tabashada doorashooyinka ee la xariira guddiyada, arrinta Somaliland iyo Gedo. Wuxuu balanqaaday in uu diyaar u yahay xalinta tabashooyinka iyo xaqiijinta doorasho si nabad ah oo daahfurnaan leh ku dhacda. Waxaan kalooo ka wada hadalnay xorriyada ololaha doorashooyinka oo ay ka mid yihiin kulamada dadwaynaha iyo dibadbaxyada, si wadajir ahna looga shaqeeyo xasiloonida dalka” ayuu yiri CC Shakuur.

Cabdiraxmaan cabdi Shauur ayaa ka mid ah Musharixiinta Mucaaradka ah, waxaana inta badan uu si weyn u dhaliilaa dowladda dhexe ee hadda talada haysa, isagoo horay eedo Culus ugu jeediyay Madaxweyne farmaajo.