RW Rooble oo kulan la qaatay Guddiga Amniga Doorashooyinka Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Taliyaha Booliska Soomaaliya abdi Xasan Maxames Xijaar uu sheegay in looga hadlay sidii si midnimo ah, iaku aragti ah iyo isku duubnaan ah looga wada qeyb qaadan lahaa in doorashada ku dhacdo si amni ah

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in kulanka oo ay u dhanaayeen dhamaan 9 Xubnood ee Guddiga amniga doorashooyinkanin la isku raacay in doorashada waqgigeeda ay ku dhacdo si huufan oo Amni ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulanka shir guddoomiyay ayaa faray Xubnaha Guddiga inay si huufan oo cadaalad ah u gutaan waajibaadkooda Shaqo oo ah sugida Amniga doorashooyinka.