RW Rooble Oo Maanta Mas’uul Cusub Magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Goordhow Magacaabay Agaasimaha Cusub ee Habmaamuuska Xafiiskiisa.

Wareegto kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa xilka Agaasimaha Habmaamuuska loogu magacaabay inuu noqdo Maxamed Faarax Sabriye, kaasi oo ka mid noqonaya Agaasimayaasha ka shaqeeya Xafiiska Rooble.

Mas’uulkaan Cusub ee la magacaabay ayaa waxaa la faray inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, waxaana magacaabista uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha ay noqoneysaa midii saddexaad uu saameeyo tan iyo markii xilka loo magacaabay.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay Afhayeenka Xukuumadda u magacaabay inuu noqday Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ah Wariye Rug-cadaa oo muddo badan kasoo shaqeeyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, Wakiil-na uga ahaa Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa isla shalay Maxamed Ibraahim Nuur u magacaabay inuu nqodo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiskiisa, isla markaana waxaa uu bedelayaa Cabdirisaaq Caato.

Xoghayaha Joogtada Cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Ibraahim ayaa La-aliye u ahaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliyeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.