RW;Khayre oo Kulan La qaatay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Denmark

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kheyre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay dowladda Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020.