RW:Khayre oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Suudaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Khartuum wadanka Suudaan ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaanshigga waxa uu kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha wadanka Suudaan Cumar Xasan Albashiir.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka wada tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxa uga wada hadleen xoojinta xiriirka iskashi ee ka dhaxeeya labada dowladood, Xal u helida arrimaha South Sudan iyo horumarinta dhaqaalaha Geeska Afrika.

Khayre oo warbahinta kula hadlay xarunta Wasaaradda Gaashandhigga wadanka Suudaan markii uu soo idlaaday kulanka uu la qaatay Madaxweyne Cumar Xasan Albashiir ayaa sheegay in Labada wadan uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah, islamarkaana ay ka wada shaqeyn doonaan sidii Geeska Afrika uu u gaari lahaa horumar dhaqaale iyo mid amni.

“Waad mahadsan tihiin waxaan kulan waxtar leh la yeeshay Madaxweyne Cumar Xasan Albashiir, waxaan isla soo qaadnay xoojinta xiriirka iskashi ee ka dhaxeeya labada dowladood, Xal u helida arrimaha South Sudan iyo horumarinta dhaqaalaha Geeska Afrika, waxaan Madaxweynaha iyo shacabkiisa ugu hambalyeeyay shaqada wanaagsan ee ay hayaan, dalkan waxaa wax ku barata arday Soomaaliyeed oo ka badan 7,000, qaarkood hada ayay qalin jabiyeen, sidoo kale waxaan si gaar ah Madaxeynaha uga wada hadalnay arrimaha amniga iyo maalgashiga, kulankeena wuxuu ahaa mid muhiim ah oo faa’idooyin ay ka soo baxeen.

Dowladda Suudaan ayaa waxa ay ka mid tahay dowladaha xiriirka iskaashi la leh Soomaaliya, waxayna Soomaaliya ka caawisaa Waxbarashada iyo tababarada Ciidamada Qalabka Sida.