RW:UK Theresa May oo dhaqaale u balan qaaday AMISOM

Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo booqasho rasmi ah maanta ay uga bilaabatay.

Theresa May iyo Uhuru Kneyatta ayaa waxaa la filayaa inay wada saxiixi doonaan heshiis dhanka ammaanka ah, iyada oo ay wadaagi doonaan khubarada ku xilka dheer ammaanka si looga hortago dambiyada qorsheysan.

Waxa ay sheegtay May in xukuumadeeda ay maalgelin dheeraad ku sameysan doonto Kenya, iyada oo sidoo kale tilmaamay in ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay siin doonto kaalmo dheeraad ah.

“UK wax ay sii wadeysaa taageerada ay u heyso askarta Kenyanka ah ee sida geesinimada leh Al Shabaab ugula dagaalamaya Soomaaliya, waxaana shaacin doonaa dhaqaale cusub oo aan ku taageereyno AMISOM”. Ayay tiri Theresa May.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo marti loo yahay ayaa dhankiisa wuxuu sheegay dhaqaalaha la siinayo ciidanka AMISOM inuu yahay mid wanaagsan, codsigiisana uu ka mid ahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa ah Ra’iisul Wasaarihii ugu horeeyay oo mudo 30 sano kadib booqda dalka Kenya, tan iyo booqashadii ugu dambeysay ee Margaret Thatcher.