saaxiibka shacbiga waa Booliska

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waa ciidanka ugu faca weyn ciidamad qalabka ama sida kale haddaan u dhigno Waxaa lagu tilmaami karaa inuu yahay Curadka Ciidamada Qalabka sida, howshiisana ay har iyo habeen socoto oo aan nasasho lahayn, mar haddii loo igmaday nabadda dalka iyo dadka, waxayna u heellan yihiin ilaalinta sharciga dalka.
Waxaa la aasaasay 20,ka Desember 1943dii maantana waa sanad Guuradiisii 74aad, Sidaas awgeed waxaan Akhristeyaasheenna u soo bandhigeynaa Qaabdhismeedka Ciidaka Booliska Soomaaliyeed .
Qaab DHISMEEDKA CIIDANKA Booliiska Soomaaliyeed
Ciidanka Booliiska soomaaliyeed, wuxu leeyahay qaab dhismeed guud oo kala ah.
– Taliyaha – Taliye ku xigeenno – Hoggaano – Qeybo – Saldhigyo- Laamo
Hoggaanada Ciidanka Booliiska:-
1- H o g g a a n k a Ciidanka, 2- H o g g a a n k a Maalyadda, 3- Hoggaanka Saadka
4- H o g g a a n k a Nabadgelyada waddooyinka, 5- H o g g a a n k a Tababarrada,
6- H o g g a a n k a Caafimaadka, 7- H o g g a a n k a Gaadiidka, 8- Hoggaanka ilaalinta Canshuuraha, 9- Hoggaanka Isgaarsiinta, 10- H o g g a a n k a Dhismaha.
11- H o g g a a n k a Baarista Dembiyada , 12- H o g g a a n k a Howlgelinta.
13- H o g g a a n k a siyaasadda,
Laamaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
1- Laanta Baarista Dembiyad 2- L a a n t a Canshuuraha, 3- Laanta Socotada.
4- Laanta Birmadka Booliiska.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wuxuu lahaa dugsiyo tababar iyo xarumo caafimaad waxaana ka mid ahaa:
Akadeemiyada Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waxaana hoos imaanayay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Beledweyne iyo Dugsiga Tababarka Gaadiidka ee Baydhabo.
Isbitaalka Madiina ee Booliiska Soomaaliyeed iyo Xarunta Agoonta Booliiska.
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, wuxuu kaloo saldhigyo booliis ku lahaa degmo kasta oo ka mid ah Degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyadoo Tuulooyinkana ay ku lahaayeen Rugo Booliis, gaar ahaan kuwa ku yaalla Xudduudaha aan la wadaagno Dalalka Deriska ah.
Ciidanka Booliska soomaaliyeed, wuxuu ka soo qeyb qaatay dagaalladii dalka lagu difaacayay , waxaana u dheer gudashada wajibaadka sugidda ammniga gudaha iyo u adeegidda bulshada taasina waa midda ka dhigtay Booliiska in loogu yeero saaxiibka bulshada.
Sanadguuradaan 74aad ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxay ku soo beegantay Xilli ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay ka muuqato tayo sare oo dhan walba ah iyo in Ciidanku uu aad u xoojiyay xiriirkii Saaxiibnimo ee uu lalahaa shacbiga Soomaaliyeed