Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Larry Andrey, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in ay aad u daneyneyso in ay la shaqeyso dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Bishii Abriil 2021, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa danjire Larry Andrey u soo magaacabay safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in danjiraha cusub ee Mareykanka uu ahaa danjiraha Mareykanka ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Mauritania, wuxuuna ku biiray wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka 1990-kii.