Safiirka Somalia Ee Itoobiya Oo Waraaqihii Aqoonsiga Laga Guddoomay

Haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalka Ethiopia, Sahle- Work Zewde ayaa waxaa Waraaqihii Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoontay Danjiraha cusub ee Somalia u joogi doona dalkaasi Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir).

Warbaahinta FANA ayaa sheegtay inay Madaxweyne Sahle-Work Zewde ay Danjiraha Cusub ee Somalia iyo kuwo kala socday 9 waddan ka guddoontay Waraaqihii Aqoonsiga Danjirenimo ee lagu soo magacaabay.

Danjirayaashaasi Cusub waxay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Bangaladesh, Nigeria, Canada, Benin, Israel, Mosombik, Bellaruus, Vietnam iyo Estonia.

Dowladda Ethiopia ayaa dalka Soomaaliya u soo magacaawday Safiir Cabdifitaax Cabdullaai Xasan, waxaana warqadaha aqoonsiga Danjirenimo 3-dii bishii lasoo dhaafay May 2021 ka guddoomay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.