Safiirka Soomaaliya ee Dalka Cumaan iyo Qunsulkiisa oo booqdey magaalada Salaala

Waxaa maalmahaan booqasho rasmi ah ku joogay magaalada salaala ee dalka Cumaan safiika cusub ee Somalia  u fadhiya dalka Cuman Danjire Abdirizak farah  Cali tano ,waxaa Danjiraha Safarka ku weheliyay Qunnsulka dalka Cuman Marwo  Xamiisa C/qaadir xassan

Waftiga intii ay halkaas ku sugnaayeen waxay booqdeen muwaadiniin soomaaliyeed  oo bukaan ah  iyo meelo kale waxayna halkaas kulan kula qaateen jaaliyada soomaaliyeed  si wanaagsana u soo dhawsay.

Wafdiga Safiirka ayaa ujeedkiisu ay ahayd  u kuurgalida Xaalada Soomaalida degan Magaalada iyo Isbarasho iyadoo Safiirku uu Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Degan Dalka Cuman uu u sheegey in shaqada isaga iyo Qunsulka ay tahay illaalinta Xuquuqda Muwaadiniinta degan Dalkaan guud ahaan iyo Fududaynta baahiyada degdega ah ee lasoo gudboonaata Muwaadinka Soomaaliga ah hadii ay timaado baahi dublamaasiyadeed ama mid Bini’aadanimo.