Safiirka Soomaaliya ee Koofurta Sudan oo lakulmey Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalkaasi

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Koofurta Sudan danjire Xuseen Xaaji Axmed ayaa galabta xarunta safaaradda ee magaalada Jubba kulan kula qaatay wasiirka arrimaha gudaha dalka Koofurta Sudan michael chiangjiek iyadoo kulankaas ay labada masuul uga hadleen arrimo muhiim ah.

“Waxaan xafiiska kula kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Koofurta Sudan oo aan ka wada hadalnay xiriirka labada dal, xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool K,Sudan,gaar ahaan Suuq isku raran ah oo laga duminayo sidii goob kale loogu heli lahaaa”ayuu yiri ambassador Xaaji oo la hadlay warbaahinta Qaranka.

Koonfurta Suudaan ayaa waxaa ku nool Soomaali aad u farabadan oo halkaasi kuleh Ganacsiyo kala duwan oo Noocyo badan leh iyagoona mararka qaar dhibaatooyin kala kulma wadamada ay ku suganyihiin.