Safiirka UK ee Soomaaliya oo Baydhabo la kulmay Madaxweynaha KGS

Magaaladatan Baydhabo ee xarunta KMG ka ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya maanta oo Axad ah waxaa soo gaaray wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David William Concar.

Wafdigan ayaa soo dhaweyn kadib waxa ay kulamo gaar gaar ah oo waqti badan qaatay ay wafdiga la yeesheen Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka kadib Masuuliyiinta ayaa warbaahinta la hadlay, Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in dhinacyada Amniga, Waxbarashada iyo Hormarinta ay Dowladda Ingiriiska ka codsadeen in ay si gaar ah uga taageerto.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David William Concar ayaa sheegay ujeedka ay u tageen magaalada Baydhabo in ay tahay sidii ay u soo qiimeyn lahaayeen taageerada Bani’aadamnimo iyo kuwa Militari ee Koofur Galbeed.

“Waxaan halkaan u nimid in aan la kulano oo aan la meel wada dhigno maamulka Koonfur Galbeed Madaxweynaha iyo Kooxdiisaba taageerada Dowladda Ingiriiska ee lagu tababarayo Ciidamada Qaranka Soomaaliya guud ahaan” Ayuu yiri Concar.

Wuxuu kaloo yiri “Si gaar ah taageerada UK ee qeybta Koonfur Galbeed, sidoo kalane in aan kala hadalno taageerada Bani’aadamnimo Dowladda UK ee Koonfur Galbeed, waxaana ka wada hadalnay kaalmada UK in askari waliba oo shaqeeyo uu helo karo xuquuqdiisa.”

Ugu dambeyntii Safiirka UK ee Soomaaliya oo soo hadal qaaday dagaalka Shabaab ayaa sheegay Maamulka iyo shacabkiisa in UK ay ka taageeri doonto sidii ay ula dagaalami lahaayeen Shabaab, wuxuuna tilmaamay in qorshaha uu yahay sanadkan in Shabaab laga saaro goobaha ay ku sugan yihiin.