Saraakiil u Hogaaminayo Taliyaha Ciidanka dhulka oo gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha ciidanka Dhulka xoogga dalka Gen Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo saraakiil la socota oo uu ka mid yahay taliyaha qaybta 21-aad Gen: C/casiis cllaahi cabdi “qooje” ayaa gaarey magaalada dhuusamareeb.

Duleedka magaalada ayaa waxaa ku dhoweeyey qaybo bulshada ka mid ah , Saraakiishan ayaa ka soo ambabaxdey Deegaanada towfiiq iyo Afbarwaaqo oo lagu soo gaban gabeeyey wajigii ugu dambeeyey ee shirar nabadeyn ah oo looga hadlayay xal u helida colaado deegaanadaa Ku dhex martay beelo walaalo ah, kadib Howlgalo nabada deeggaanka lagu sugayay oo ciidamada xoogga dalku Ku gaareen.

Taliyaha ciidanka Dhulka soomaaliya Gen Abdihamiid mohamed dirir ayaa u sheegey dhalinyarada soo dhoweynta u sameyday in ay diyaar u yihiin ka shaqeynta nabada dalka taa badalkeedna ay doonayaan in ciidamada garab lasiiyo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in degaanada ay heystaan Al-Shabaab laga saaro, islamarkaana Ciidanka xoogga ay tagi doonaan degaanada ay maamulaan Al-Shabaab.