Saraakiisha ciidanka xoogga oo sheegay inay gacanta ku dhigeen 27 Shabaab ah

Ciidanka xoogga dalka ayaa hawlgal waqtiyo kala duwan ay ka sameeyeen magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku soo qabteen ku dhawaad 100 ruux oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo badankood la sii daayay marka laga reebo 25 ruux oo ay ku cadaatay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

Saraakiisha ciidanka xoogga ayaa sidoo kale sheegay in dagaal lagu soo qabtay Laba Shabaab ka tirsan, waxaana tirada la soo qabtay ay ka dhigtay 27 Shabaab ah.

Labada nin ee dagaalka lagu soo qabtay ayaa waxa lagu kala magacaabaa C/casiis Maxamed Caydaruus iyo Maxamed Cabdi Maxamed, mar ay la hadleen warbaahinta dowladda ayay sheegeen inay cafis ka dalbanayaan dowladda, maadaama gacanta lagu dhigay.

Saraakiisha waxay kaloo sheegeen in dib loo furay Masaajido ay xireen Shabaab iyo Suuqa magaalada Marko oo Shabaab ay u xireen lacagta ay u yaqaan Zakawaadka, kadibna uu dib u soo laabtay dhaq dhaqaaqa magaalada Marko.

19-kii bishan magaalada Marko ayaa waxaa la wareegay ciidanka xoogga dalka, waqtigaasi waxaa lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaaba iyo laba nin oo ilaalo u aheyd.