Saraakiisha Danab oo sheegay in ay dileen Saraakiil Shabaab ah

Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee Danab ayaa sheegay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah in galabta howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen degaanka Tooratoorow oo Al-shabaab ku lahaayeen saldhigyo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Danab ayaa warbaahinta Dowladda gaar ahaan Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan islamarkaasina Ciidamada ay ka weerareen degaanka Tooratoorow labo jiho.

Saraakiisha Danab waxa ay xaqiijiyeen in howlgalka lagu dilay labo Sarkaal oo ay magacyadooda ku sheegeen Faarax Cali Xuseen (Faarax Kalar) iyo Maxamed Cumar, islamarkaasna halkaasi sidoo kale lagu dilay tiro Dagaalyahano ah oo Shabaab ka tirsanaa.

Sidoo kale Saraakiisha Danab ayaa sheegay Faarax Cali Xuseen (Faarax Kalar) inuu ahaa Sarkaalkii Shabaab u qaabilsanaa dhanka wacyigelinta Gobolka Shabeellaha Hoose, halka Maxamed cumar uu ahaa Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee dilalka qorsheysan ka fuliya Shabellaha Hoose iyo Muqdisho.