Saraakiisha xoogga oo sheegay inay dileen Sarkaal Shabaab Ajnabi ah

Hawlgal gaar ah oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 14-ka October ay ka fuliyeen gudaha magaalada Marko ayaa waxaa lagu dilay sarkaal Ajnabi Shabaab ah.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen sarkaalka Ajnabiga ah ee la dilay in lagu magacaabi jiray Sheekh C/naasir Asar-bajaan oo u dhashay wadanka Ruushka.

Taliyaha qeybta 12-aad ee ciidanka xoogga dalka General Cumar Dheere oo la hadlay Idaacadda ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay sarkaalkan inuu Al Shabaab kaga soo biiray kooxda xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yaman.

Wuxuu kaloo sheegay General Cumar Dheere in sarkaalkan lala dilay 10 dagaalame oo ka tirsan Shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa gudaha magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ma jirto cadeymo intaasi ka badan uu ka sheegay ninka Ajnabiga ah ee uu sheegay in lagu dilay hawlgalka ka dhacay magaalada Marko.

19-kii bishan August ayaa ciidan uu hoggaaminayay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General Cabdullaahi Cali Caanood waxa ay la wareegeen magaalada Marko, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidanka dowladda iyo Shabaab.