Wararka naga soo gaaraya magaalada Buurhakaba ee gobalka Baay ayaa sheegaya in ciidamada degmadaas kusugan uu isku soo dhiibay Sarkaal sare oo katirsanaa kooxda Al- Shabaab.
Gudoomiyaha degmada Buurhakaba Xuseen Maxamed Cali ayaa sheegay ninka isasoo dhiibay in uu watay hub.
Waxaa uu ka gaabsaday in uu shaaciyo Magaca Sarkaalka laakiin waxaa uu sheegay in ay u gudbin doonaan Magaalada Baydhabo.