Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska oo qarax ka badbaaday

Maxamed Daahir oo kamid ah saraakiisha sar sare ee ciidanka booliska Soomaaliya ayaa goordhow qarax xooggan oo Miino ahaa lagula eegtay nawaaxiga Kontrolka KM4 ee laga ilaaliyo garoonka Muqdisho.

Sidda ay goobjoogayaal noo xaqiijiyay taliyaha ayaa ka badbaaday Qaraxa.

Gaari Proof ah oo uu watay ayey miinada qabsatay, waxaana uga dhaawacmay mid kamid ah ilaaaladiisa.

Maxamed Daahir ayaa horay u soo noqday taliyaha Saldhig Galbeed, Wiyow Cadde iyo Saldhiga degmada Hodan, waxaana hadda uu ka mid yahay Saraakiisha si dhow ula shaqeysa taliye ku xigeenka koowaad ee Ciidanka Booliska.