Sarkaal ka tirsan Safaaradda Imaaraadka Carabta oo lagu dilay Muqdisho

Ugu yaraan hal ruux ayaa geeriyooday, labo kalena waa ay dhaawacmeen, kaddib markii qarax lagu xiray gaari kuwa raaxada, kaasoo ku qarxay agagaarka Isgoyska Maanabooliyo ee degmada Shibis.

Gaariga ayaa waxaa la socday saddex ruux oo ka mid ahaa ilaalada Safaaradda Imaaraadka Carabta, iyadoo mid ka mid ah uu ahaa Sarkaal.

Wararka ayaa intaa ku daraya in raggan ay ahaayeen Soomaali Yemeni, ka mid ahaa ciidamada Imaaraadka Carabta ay tababareen ee ilaaliya ammaanka Safaaradda.

Guddoomiyaha degmada Shibis Axmed Muumin ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in mid ka mid ah raggii saarnaa gaarigaas oo ahaa Sarkaal uu u dhintay dhaawac soo gaaray.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho oo ku aadan askarta la shaqeyneysay oo qarax loogu xiray gaari ay wateen ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay.

Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho oo ku taal degmada C/casiis ayaa waxaa ilaaliya Ciidamo Soomaali oo ay si tababareen.