Sarkaal sare oo Shabaab ah oo lagu diley Deegaan u dhow Buurhakaba

Ciidamada Ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen gobolka Baay waxa ay ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Sidda ay  u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed idaacada Radio Baidoa  howlgalka ayaa ka dhacay degaanka Barariye oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed kaga beegan Degmada Buurhakaba.

Ninka howlgalka lagu dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Abuu Qudaama.

Abuu Qudaama ayaa ahaa madaxii maaliyadda ee Ururka Al Shabaab ugu magacawnaa degaanada hoostagga Degmada Buurhakaba, sidda ay xaqiijiyeen Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada oo toogasho ninkaasi ku dilay ayaa horey uga soo qaatay qori AK47 iyo bastoolad, iyadoona ay dib ugu laabteen halkii ay ka ruqaansadeen oo ah Buurhakaba.