Sarkaal Shabaab ka tirsanaa oo iska dhiibay Doolow

Sarkaal ka tirsanaa ururka Al-shabaab ayaa maanta isku dhiibay maamulka Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Sarkaalka Shabaab ka soo goostay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Ibraahim oo Shabaab u qaabilsanaa dhanka Zakawaadka.
Warkan waxaa bartiisa Facebooka ku xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C.raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).
Isa soo dhiibitaanka Sarkaalkan ayaa waxa ay ka dambeysay isaga oo ka faaideysanaya cafiskii Madaxweynaha Soomaaliya uu markale u fidiyay xubnaha Shabaab ka tirsan