Sawiro:-Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo soo gaaray baydhabo.

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa maanta soo gaaray Abwaanka Caanka ah Maki Xaaji Banaadir

Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud waxaa ku soo dhoweeyey Madaxda Maamulka iyo qaybaha Fanaaniinta ka dhisan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Intaa ka dib Abwaan Maki ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Dowlada Goboleedka waxan halkaas kula kulmay Madaxweyne Cabdicasis Xasan Maxamed .

Kulanka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu la qaatay Abwaan Maka Xaaji Banaadir waxa goobjoog ahaa Gudoomiyaha Barlamanka Koonfur Galbeed mudana cabdulqaadir shariif shekhuna maye iyo waziirka warfafinta mamulka xasan cabdi maxamed .

Ilaa iyo hada lama shaacin ujeedka safarka abwaan maki xaaji

Abwaan maki xaaji ayaa ka mid ah abwaanada somaliyed oo sida wayn loogu yaqaano dalka gudiisa iyo dibadiisa