Sawiro-:Deeq la gaarsiiyey Degmada Berdaale ee Gobolka Baay

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Maareynta Iyo Masiibooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdinasir Cabdi Caruush ayaa Gaarey Degmada Berdaale, Waxaana Halkaasi ay gaarsiiyeen deeq isugu jirta Raashiin, Dawo,Baco, Marakaneeco.

Sidoo Kale Dhalinyaro iskood isku abaabuley oo Maalmihii u dambeeyey wadey Qaaraan Ururin ayaa Xubno Ka socday ayaa waxaa ay Qeyb Ka ahaayeen Wafdiga Waxaana Maalmaha Soosocda ay Deeq Lacageed ay Uqeybin doonaan dadka ay Saameeyeen Daadadkii Roobka ee Guryahooda Ka soo hayaamey,

Sidoo Kale Maalmaha soosocda ayaa Waxaa Degmada Berdaale ku wajahan oo lafilayaa in ay gaaraan Wafuud Kaladuwan oo Arimo Gargaar u tagaya Degmadaasi Berdaale.

Degmada Berdaale ee Gobolka Baay Waxaa ay ka mid tahay Degmooyinka Dalka Soomaaliya ee Saameynta Ballaaran ay ku Yeesheen Daadadka dhawaan ka Dhashey Roobabka mahiigaanka ah ee ka da’aya Dalkeena Soomaaliya.