SAWIRO:-DFS Oo Deeq Gaarsiisey Degmada Xuddur

Magaalada Xudur Ee Caasimadda Gobolka Bakool waxaa Maanta gaarey Laba Diyaaradood oo Shixnad gargaar ah siday,waxaana uu ka yimid Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Ganacsato Soomaaliyeed

Duulimaadyo kale ayaa la filayaa isla maanta in ay gaaraan Magaaladaasi Xuddur Oo ka soo reeyneysa Xaaladihii Nololeed ee Bulshadaasi la daalaa dhaceysey,

Hoos u dhac weyn ayaa ku yimid qiimaha lakala siisto Raashiinka noocyadiisa kala duwan.

Dawlada Fadaraalka Soomaaliya Ayaa Ka Soo Jawaabtey Baaqii Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen Waxaa ay Maanta Xudur Garsiisey Diyaradii Ugu Horeeyey Ee Sida Shixnad Gargaar ee ka timaada Dowlada dhexe.

Degmada Xuddur ayaa waxaa ay kamid tahay Degmooyinka Gobolka Bakool ee ay Cunaqabateyta Saareen Alshabaab.