[SAWIRO] Diyaarad ku burburtay Gobolka Hiiraan

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee Maanta halkaas ay ku burburtay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones-ka.

Diyaaradan ayaa sigaar ah ugu burburtay deegaanka lagu magacaabo Biyo-neef oo hoostaga Degmada Buulo-burde, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen inay ku dhacday bul banaan oo ay leeyihiin dad beeraley ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in goobta ay diyaarada ku dhacday ay dul heehaabayan diyaarado nooca dagaalka oo joog hoos ku socda, kuwaasi oo guuxooda cabsi ku abuurtay xoolaha ku nool deegaanka Biyo-neef.

Ilaa iyo hada lama oga cida sida rasmi ah u leh diyaaradaas, hayeeshee waxaa la aamisan yahay inay leeyihiin Ciidanka Mareykanka ee ku sugan Somalia oo diyaaradaha noocan oo kale u adeegsanayay duqeymaha ka dhan ah Al-shabaab.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan ay kusoo dhacdo diyaarad nooca Drones-ka ah, waxaana inta badan diyaaradahan oo kale ay ku dhacaan deegaanada ay gacan ku hayaan Al-shaabaab.