Sawiro-:Guddiga Arrimaha Gudaha Ee Golaha Wakiilada KGS oo Kormeer Shaqo u Jooga Degmada Xuddur

Guddiga Arrimaha Gudaha Ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Kormeer Shaqo u Jooga Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool Ayaa La Kulmey Golaha Deegaanka Degmada Xuddur.

Gudiga Ayaa Ka Xogwareeystey Waxyaabihii U Qabsoomey Mudadii Ay Shaqeynaayeen Iyo Caqabadihii Ay La Kulmeen iyo Waxyaabaha kale ee ay u baahanyihiin in laga caawiyo,

Golaha Deegaanka iyo Maamulka Degmada Xudur oo iyaguna dhankooda ka warbixiyey Howlahooda Shaqo iyo Waxyaabaha kale ee ay u baahanyihiin in laga Caawiyo ayaa Sheegey mida ugu ee in laga Caawiyo ee ugu in ay tahay Airport ka Degmada Xuddur oo ku dhexyaalla Gudaha Magaalada in laga Fogeeyo.

Guddiga ayaa inta Uu ku suganyahay Degmada Xudur Kulamo Kala Duwan La Yeelan Doona Qeyybaha Kala Duwan Ee Bulshada Si Ay ugu Kuur Galaan Xaaladda Deegaankaasi.