SAWIRO:-Howlgal Qorsheysan Oo lagu Dilay Ssraakiil Alshabaab ah

Howlgalkan Qorsheysan oo ay si wadajir ah waxaa ay ufuliyeen Ciidamada Qalabka Sida Qeybahooda kala Duwan kuwaasi oo isugu jira Nabadsugida , Booliska ,Iyo Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed waxana Hawlgalka Ciidamada ay ka Fuliyeen Deeganka Saydheelow oo Kudhawaad 30Km ujira Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay.

Howlka intii uu socodey ayaa deeganka Dagaal kooban ku dhex marey Ciidamada Iyo Kooxda Nabadiidka Alshabab kaasi oo ka dhashey Khasaaro isugu jirta Dhimisho iyo Dhaawac Waxaan Kooxda Nabadiidka Alshabab looga diley 7 Qof oo isugu jira 3 Saraakiil Sare Sare ah iyo Afar Maleeshiyaad ah waxana labo ka mid meydadka Saraakiisha La keeney Baydhabo iyadoona laga soo furtey Hobkii ay wateen.

Taliyaha Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Gaashanle Sare Cabdi Ibrahim Shaamow Abdi dhare oo la hadley Warbaahinta ayaa Faafaahin ka bixiyey Howlgalka Maanta ay sameyeen iyo Jobka Xoogan ay gaarsiiyeen Nabadiidka Alshabab isagoona Fariin udirey Dhalinyarada yer yer ee la qaldey.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay burburiyeen fariisin ay degaanka Saaydheeloow ku lahaayeen Al-Shabaab, sidoo kalena ay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen.

Wararka sidoo kale dagaalka laga helay ayaa waxaa ay sheegayaan in ay jiraan askar ka tirsan Ciidamada dowladda oo ku dhintay dagaalka, waxana la xaqiijiyay geerida Nuunoow Sheekh Isxaaq oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya oo gurmad ahaan looga qaaday Magaalada Baydhabo.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa horay uga dhacay degaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, sidoo kalena saameeyay dadka Shacabka ah ee ku nool Gobolkaas.