SAWIRO;-kooxaha heerka 1aad ee KGS Oo lagu wareejiyey Agab sports oo dhameystiran

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kaashaneysa Xiriirka kubada cagta Soomaaliya iyo kan Koonfur Galbeed ayaa kooxaha heerka koowaad ee KGS ku wareejisey agab sports oo dhameystiran, oo ay kaga qeyb galayaan horyaalka Kubada cagta Koonfur Galbeed.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha mudane Cali Maxamed Cali (Dhuux) ayaa gadoonsiiyey maamulada kooxaha Fc Gaadiidka,Fc BaaySom,Fc Sheikh Asharow, Fc Baidoa,Fc Horseed iyo Fc Howl Wadaag agabkan Sports.