SAWIRO:-Kusimaha Madaxweynaha KG Oo Kormeer Sameeyey

Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada DGKGS oo booqasho ku tagey Maxkamadda sare iyo Xabsiga dhexe ee Baydhabo.

Si loogu kuura-galo adeegyada Hay’daha garsoorka Magaalada Baydhabo ,Wuxuu Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka KGS Amb. Dr .Ali Said Faqi uu Maanta Kormeer ku tagey xarunta Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa Xarunta ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Koonfur Galbeed Axmed Cali Muuse.

Qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Maxkamadda sare ayuu Gudoomiyaha u kuura galey sida ay u shaqey nayaan .

Wuxuuna mid-mid u galey qeybaha kala duwan Xafiisyada ay ka kooban tahay maxkamadda , wuxuna warbixino ka dhageystey Gudoomiyaha Maxkamada sare, Xeer ilaaliyaasha ,iyo Garsooriyaasha Maxkamadda .

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Dr. Ali Faqi ayaa Shir La qaatey Bahada garsoorka Maxkamada sare,isagoona kula dar-daarmey inay bulshada si daacad ah ugu adeegaan si looga dhabeeyo Ballan qaadkii Madaxweynaha DGKGS Mudane Abdiasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ahaa in sidii Bulshada Koonfur Galbeed ay u heli lahaayeen Cadaalad loo dhan yahay.

Marka laga soo tago Booqashada Maxkamadda sare Gudoomiyaha Baarlamaanka wuxuu sidoo kale kormeerey xabsiga dhexe ee magaaalada Baydhabo si uu ugu kuura-galo Xaaladda Nololeed ee Maxaabiista.