[SAWIRO] Maamulka Degmada Baydhabo oo Awaamiir ka soo saarey Amniga iyo Bilicda Magalada Baydhabo

Duqa Magaaladda baydhabo Mudane Xasan Macalin Axmed (Biikole) ayaa maanta Shirgudoomiyay shir maanta ka dhacay Xaruunta Dowladda Hoose ee Degmada baydhabo waxaana ka soo qeybgaley 10ka Xaafdoodo ee Magaalada Baydhabo iyo Laamaha Amniga.

Shirka ayaa looga Hadlayey Amniga baidoa iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa Maamulada iyo Gudoomiyaasha iyo Saraakiisha Amniga iyo bulshada si loo dardargaliyo howlaha kala duwan ee lagu horumarinaayo magaalada Baydhabo.

Gadomiyaha Maamulka degmada baydhabo Ahna Duqa Magaaladda Mudane Xasan Macalin Axmed (Biikole) ayaa ka qeybgalayaasha guud ahaan kula Dardaarmey sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarka Bilicda iyo sare u qaadidda Wda shaqeynta Laamaha Amniga ee DEgmada Baydhabo.

Maamulka Degmada Baydhabo ayaa Dhawaan Warqad ka soo baxdey waxaa loogu digey Dadka DEgan ama dhistey wadooyinka baydhabi ee wadada soo galey iyo kuwo goobo Ganacsi ka furtey oo looga digey in ay banneeyaan Maamulka Degmada Baydhabo ayaa sheegey in Dayactir iyo Dhismo lagu sameyn doono wadooyinka Magaalada.