SAWIRO; Madal ku saabsan Shaqo Abuurka Oo Baydhabo lagu qabtay

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee KGS ayaa maanta qabatay Madal ku saabsan sidii ay Ganacsiyada Gaarka loo leeyahay iyo Hay’adaha Dowladda isaga kaashan lahaayeen in shaqo abuur (Public Private Partnership Forum) loogu samayn karo dhallinyarada KGS.

Hay’adda SOS iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha iyo Bankiga IBS ayaa degmooyinka Hudur, Ceelberde iyo Diinsoor ka fuliyay mashruuc xirafado iyo shaqo abuur ugu sameeyay dhallinyaro tiradooda gaareysa 464.

Wasaaradda ayaa madasha maanta kusoo bandhigtay sidii loogu guuleystay iskaashiga ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo Wasaaraddaba ugu guuleysteen mashruucaas. Iyo sidii loo sii wadi lahaa dadaalada noocaasi ah si degmooyinka kale loo gaarsiiyo dhallinyaro badana shaqo abuur iyo maalgelin ganacsi loogu samayn lahaa.

Madashan ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee dhallinyarada, Hay’adihii doorka ka qaatay fulinta mashruuca shaqo abuurka, Rugta ganacsiga KGS, Daladda ururada aan dowliga ahayn SOSWENSA ee KGS iyo ganacsato kala duwan.