SAWIRO:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Soo gaarey Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka KGS ka markii uu safar shaqo ugu maqnaa Magaalada dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta Dib ugu soo Laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay

ka dib Safar Maalmo qaatay oo ugu maqnaa Magaalada Dhuusa’mareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug oo ugu Qeybgalay Shirkii looga Hadlayey Arimaha Doorashooyinka Dalka ee Udhaxeeyey Madaxda Dowlada Federaalka,Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa Door weyn ka qaatey sidii loo Xallin lahaa khilaafka hareeyeey Arimaha Doorashooyinka Dalka .