SAWIRO; Madaxweyne Farmaajo oo Bogaadiyey Madaxda iyo howlwadeennada Wasaaradda Qorsheynta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxda iyo howlwadeennada Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, waxa uuna ku bogaadiyey diyaarinta Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka oo maanta uu daahfuray,

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa Maanta daahfuray Shirka qorshaha 9aad ee horumarinta Qaranka ee 2020- 2024 oo ay kushaqayn doonto dowladda kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda qorsheynta iyo maalgashiga ee Xukuumadda Soomaaliya.