SAWIRO:-Madaxweyne Laftagareen oo Boqolaal Shacabka Degmada Waajid kula Hadley Goob Fagaara ah.

Madxweynaha Dowladda Koonfur galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Oo Boqolaal Shacabka Degmada Waajid ee gobalka Bakool Kula hadley Faqaaro ay isugu yimaadeen.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabsi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo Maanta booqasho ku tegay degmada waajid ee gobolka Bakool ayaa halkaasi kaga dhawaaqay howlgal wado furis ah.

Isaga oo goob fagaaro ah kula hadlayay Boqolaal Shacab ah ayuu sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka koonfur Galbeed ay bilaabayaan howlgallo lagu furaayo wadooyinka u go’doonsan ururka Al-Shabaab.

Kulamo kala duwan ayuu la qaadanayaa Maamulka degmada Waajid iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si uu u dhageyso baahiyaha ay qabaan maadaama dhowr sano degmadaasi ay u go’doon san tahay Al-Shabaa.