SAWIRO:-Madaxweyne Laftagareen oo gaaray Samareeb si diirana loogu soo dhoweeyay

Madaxweynaha dowlada Koonfur galbeed mundane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada xarunta u ah Galmudug ee Samareeb.

Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa gegida diyaaradaha magaalada Samareeb si diiran ugusoo dhoweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor)

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa qayb ka ah masuuliyiinta ka qaybgaleysa shirka lagu wado inuu maanta ka furmo Samareeeb kaa soo ay kasoo qaybgalayaan madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada federaalka Soomaaliya iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.