Sawiro Madaxweyne Laftagareen oo Galabta Waqti laqaatey Bahda Sportska Degmada Waajid

Madaxweynaha dowlad goboleedka Konfur Galbed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo xubo katirsan golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo uu kamid yahay wasiirka wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka KGS Mudane Maxamed Xusen Xasan waxaa ay Galabnimadii maanta waqti la qaateen Dhalinyarada Degmada Waajid gaar ahaan Bahda Ciyaaraha.

Madaxweyne ayaa ka qeyb galay isla markaana Daawashadeeda ka qeybqaatey kulan Ciyaareed ay ciyaarayeen kooxaha heerka koowaad ee Degmada Waajid.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta gaarey Degmada Waajid ayaa waxaa uu u kuur galayaa d xaalada Nolosha guud ee Degmadaasi isagoona kulamo kala duwan la qaadan doono bulshada Qaybaheeda kala duwan.dhalinyarada iyo bahda ciyaaraha ayaa nasiib uyeeshey in ay noqdaan Meelaha ugu horeeyso ee uu madaxweynaha baahiyahooda uu dhageysto kulan ciyaareed dhiiro gelin ahna uu lasoo qaato.