SAWIRO:-Madaxweyne Laftagareen oo kulan la qaatey Saraakiil Ciidan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Xafiiskisa ku Qaabilay Taliyaha Ciidanka Lugta Xooga Dalka iyo Talaiyaha Cusub ee Ciidanka Xooga Dalka Qeybta60aad iyo Saraakiil kale.

Waxaana ay Wada Qaateen kulan Looga Hadlayey Sidi Argigixisada Al-Shabaab looga Xureyn lahaa Deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Socdaal uu ugu kuur galayey Xaalaada Deegaano kamid ah Gobolka Bakool Gaar ahaan Degmada Waajid oo ay Go’doomiyeen Alshabaab ayaa Sheegey in dhawaan ay billaabanayaan Howlgallo Wado furis ah.