SAWIRO:-Ra,iisalwasaare Rooble Oo kulan la qaatey Golaha Wasiirada KG

Ra”iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu Wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kulan Isxog wareysi iyo Dardaaran ah la Qaatay Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Kulanka ayaa sido kale waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaha Barlamanka Koonfur Galbeed iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka.

Ra,iisal wasaare Rooble ayaa lafilayaa inta uu ku suganyahay Magaalada Baydhabo inuu kulamo laqaato qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Saraakiisha Ciidanka Qeybta 60,aad,iyo inuu sidoo kale Dhagaxdhig xarigjar uu ka sameeyo Magaalada Baydhabo.