SAWIRO:-Shirkada Diyaaradaha Daruuro Oo Deeq Geysey Waajid

Shirkadda Diyaaradda Daruuro oo ka jawaabeyso Baaqii Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Deeq Mucaawino ah gaarsiiyey Degmada Waajid ee Gobolka Bakool,

Shirkadda Diyaaradaha DARUURO AIRLINE oo weli wadda Gurmadkii ay horey u ballan qaadeen in ay u sameyn doonaan reer Bakool ayaa maantana Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool gaarsiiyey Deeq Raashiin ah.

Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaana lagu wareejiyey Deeqdan Raashiin,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftgareen Oo dhawaan Gaarey Gobolka Bakool Gaar ahaan Degmada Xuddur ayaa Baaq dhanwalba ah u diray Shacabka Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dowlada Fedaraalka Soomaaliya Hay,adaha Caalamiga ah.

Gobolka Bakool ayaa waxaa ka jirta Xaalad Bani,aadanimo Oo saameyn ku yeelatey Bulshada kadib markii ay Go,doomiyeen Ururka Alshabaab.