SAWIRO-Taliyaha CXD oo la kulmay taliyaha guud ee ciidamadda Turkiga

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta oo talaada ah magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga kula kulmay taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga Yasar Guler.

“Waxaa la igu soo dhaweeyay hab maamuus ciidan oo ka dhacday xarunta taliska guud ee caasimadda dalka Turkiga ee Ankara iyadoo intaas ka dib aan wada qaadanay shir laba geesood ah” ayuu yiri Taliye Odawaa oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.