[SAWIRO] Waaraadda Howlaha Guud ee KG oo Shaqa bilowdey Waddoyinka Burbursan ee Baydhabo

Wasaraadda howlaha Guud iyo dib udhiska Dowlad Goboleedka Kgs iyadoo Fulineysa Amarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Kgs Mudane C/Casiis Xasan Mohamed Lafta-gareen ee ahaa In Si is xilqaan ah lagu dhiso Waddoyinka Magaalada Baydhabo ee Burbursan Waxana Maanta Madaxda Iyo shaqahaa Waaraadda Howlaha Guud ay ka shaqa bilaabeen Waddoyinka Bur bursan iyadoo Injineerada Wasaradda ay halkaasi geysey Cabbir ku bilaabeen.
Waxaana Shaqaalaha Wasaradda Howsha ka wada Waddoyinka Horkacayey Agaasimaha Guud ee wasarada Mudane Yuusuf Wadani.

Howsha Cabiraada Waddoyinka intii ay Socotey ayaa waxaa halkaasi kormeerey Wasiiro ka tirsan Dowladd Goboleedka KGS Maamulka Gobolka Baay iyo Kan Degmada Baydhabo.

Xasan Macakin ahamed Biikole Guddomiyaha Degmada Baydhabo iyo Guddomiyaha Gobolka Baay Mudane Cali Wardheere Abdiramaan Ayaa waxaa ay ka hadleen dib udhiska Waddoyinka Baydhabo.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Howlaha Guud Iyo dib udhiska Dowlad Goboleedka KGS Ahna Kusimaha Wasiirka Maxamed Cali Culow ayaa ka hadley sida Wasaradda Howlaha Guud ugu howlantahay Dib udhiska Waddoyinka Magaalada Baydhabo.

Maxamed Abuukar Wasiirka wasaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka KGS Ayaa Bulshada Magaalada Baydhabo ugu baaqey in ay Doorkooda ka qaataan Dib udhiska Waddoyinka Magaalada.