SAWIRO:-Wasaarada Gaadiidka DGKGS oo Dayactir ka wada Garoonka Diyaaradaha Shaati-Gaduud ee Baydhabo.

Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud ee maagalada Baydhabo.
waxaa la dhisey Toddobaatameeyadii waxaana hada laga Dayactirayaa Burbur gaarey Qeybo kamid ah.

Wasaradda Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa iyada oo kaashaneysa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa ay Dayactir ku bilowdey Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ee Shaati-Gaduud.

Dayactirka ayaa hadda waxaa uu ka socdaa halka Diyaaradaha marka hore ay soo Caga’dhigtaan oo uu Burbur uu ka muuqdey saameyayna Roobabka ka da’ayey Magalaada Baydhabo.

Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) Wasaiirka Gadiidka Cirka Iyo dhulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka warbixiyay Dayactirka ay ka wadaan Garoonka Diyaaradaha ShaatiGaduud ee Magaalada Baydhabo ayaa sheegey in Dayactirku uu marayo heer gebagaba ah inta harsanna si dhaqsileh lagu dhameyn doono.

Garoonka Shaatigaduud ee Magaalada Baydhabo ayaa ah Garoonka ugu Mashquulka badan Koonfur Galbeed iyadoo ay isticmaalaan Shacab iyo Dowlad iyo Waliba Amisom iyadoona lawada ogsoonyahay Shacabka Badankood in ay Wadooyinka ku Safri karin oo ay Go’doomiyeen Alshabaab inta badan.