SAWIRO:-Wasiiro Ka Tirsan KGS oo gaaray Degmada Marka

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Maxamed cusmaan ayaa Maanta gaaray Magaala Marka ee Gobolka Shabeelada hoose .

Wafdiga ayaa waxay isugu jiraan Mas’uuliyiin ka Socda Wasaaradda Arimaha gudaha Dowlada Fedaraalka Soomaaliya iyo shaqaalaha Wasaaradda arimaha gudaha oo ugu horeeyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo Dib u Heshiisiinta Dowlaad Goboleedka koonfur Galbeed Mudane Mahaad Mohamed Ciise Lataliyaha wazaarada Abdirasaq yare .

Sidoo kale wafdiga waxaa qayb ka ah Wasiirka Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyada.

Mahaad Mohamed Ciise wasiir ku xigeenka wasaaradda Arimaha Gudaha dowladaha hoose iyo Dib u Heshiisiinta dowlaad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la hadlay warbaahinta kana warbixiyay ujeedka wafdigan usoo gaaren magalada Marka .

Maalmaha ay Joogan wafdigan magalada Marka ayaa lagu in ay u kuur galan Baahiyaha ka jira dhamaan Deegaanada Hoos yimada Degmada Marka ee Gobalka Shabeelaha hoose.