Sawiro: Xiddigaha Bayern Oo U Mahadceliyay Jamaahiirtooda, Xilli Ay Badiyeen Islamarkaana Robben Uu Dhaliyay Goolkiisii 100aad.

241A782A00000578-0-image-a-4_1418764092970-e1418789659643Ciyaartoyda Bayern Munich ayaa boor ay ku qoran tahay ‘Mahadsanidiin! Waxaad yihiin kuwa weyn!” ku soo bandhigay garoonka Allainz Arena xalayto ka dib markii ay badiyeen kulankoodii ugu danbeeyay ee minankooda ee ka hor fasaxa qaboobaha.

Iyadoo nalalka garoonka Allianz Arena la damiyay, waxaa la shiday muusik halka ileyska bartilmaameedka lagu aadiyay xiddiga Pep Guardiola ka hor inta aan la sameynin bandhigay ileyska shucaaca ah.

Bayern Munich ayaa 2-0 kaga badisay kooxda Freiburg waxaana ay hogaanka Bundesliga ku qabteen 12 dhibcood, waxaana ay dhigeen rikoor cusub oo daafaca ah iyagoo laga dhaliyay kaliya seddex gool 16kii kulan ee ay ciyaareen horyaalka, waxaana ay u ogolaadeen in Arjen Robben uu u dhaliyay kooxda Jarmalka goolkiisii boqolaad ee tartan rasmi ah.241A7AB600000578-0-image-a-5_1418764094592-e1418789681111

Bayern ayaa ku garaacday Freiburg labo gool oo madax ah oo ay kala dhaliyeen Robben iyo Muller iyagoo si fiican uga fogaaday kooxda kaalinta labaad ee Wolfsburg.Waxaana ay ciyaartaan soo bandhigtay dhaqanka Manuel Neuer kaasoo bartamaha garoonka iska soo istaagay iyadoo kooxdiisa ay weeraro isdaba joog ah qaadeysay.

241A766900000578-0-image-a-8_1418764111803-e1418789716938      Ugu danbeyntii, goolhayaha Feiburg Roman Burki ayaa si ku celcelis ah u beeniyay Bayern, kuwaasoo 31 jeer isku dayay inay gool dhaliyaan.241A576500000578-2876624-image-a-27_1418765385419-e1418789832906