Sawiro:-Xubno ka socdey Wasaarada Tamarta&Kheyraadka Biyaha KG oo ka qeybgashey Shir Uu Soo Qabanqaabiyay Bangiga Horumarinta Afica

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Tamarta Iyo Khayraadka Biyaha DGKS iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Iyo Lataliyaha Ayaa Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka Uga Qaybgalay Shir Uu Soo Qabanqaabiyay Bangiga Horumarinta Afica Ee ( African Development Bank).

Waxaana Kulan Ka soo Qaybgalay Mas’uuliyiinta Wasaarada Tamarta heer -federaal Iyo Xubno Kasocday Hayadaha Caalamiga ah Ee Qaramada Midoobe ee Ka Shaqeeya Arimaha Biyaha Iyo Korantada .

Shirka Ayaa Intii uu socday Muuhimada lagu Saarey Mashruucyo lagu Fulin-doono Deegaanada Koonfur Galbeed ee lagu Horumarinayo Adeegyada Korantada Iyo Biyaha iyo Sidii loo Dardar-Galin lahaa .

Dhamaan Xubnaha Ka kala Socday Hayadaha Qaramada Midoobey , Bangiga Horumarinta Africa Iyo Masuliiyinta Wasaaradaha Tamarta heer Dowlad Gobaleed Iyo heer Federaal ayaa isku Raacey Habka ugu Fiican ee Bulshada Somaliyeed Ee DGKS uga fa’idaysan lahyeen Mashruucyadan Lagu Horumarinayo Nolsha Dadka ee Ka Fa’idaysiga Korontada Iyo Biyaha.