sawiro Xuska munaasabada 74aad ee Ciidamada Booliiska 20ka Decembar oo manta lagu qabtey Baydhabo

Waxaa manta magaalada baydhabo lagu qabtey munaasabad aad ubalaaran oo lagu xusayey Sanadguurada 74aad ee aas aaska Ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegneyd manta ookale 20ka December
Waxaana kasoo qeybgaley munaasabadan qeybaha kaladuwan ee ciidamada Booliiska Koonfur Galbeed oo uu ugu horreeyo Taliyaha Ciidamada Booliiska KGS GEnaraal Mahad Cabdiraxmaan iyo Saraakiil kale oo ay kamidyhiin saraakiil kuxigeeno Wasiirka amniga maamul Goboleedka KGS Xasan Xuseen EElaay iyo Marti sharafkale Genaraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegey Ciidamada Booliiska in ay yihiin Hooyada Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya waxaana uu hadalo kooban uu kajeediyey Munaasabadaasi oo uu ku amaaney Ciidamada Booliiska. shacabka iyo Booliiskana ay yihiin Saaxiibo ayna kadhexeyso wada shaqeyn isla markaana Booliisku uu kushaqeeyo marxalado kala duwan oo aad u adag habeen iyo maalina ay usoojeedaan
Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ka mid ah Awooda Ciidan ee qaranka kuwaas oo soo maray Burbur xooggan hasayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa didaalo dheeraada ku bixinaysa Xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Booliiska Qaranka Soomaaliyeed