(SAWIRO)Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Xudur

Aden Mohamed Nuur (Saransoor) oo ah musharax Madaxweynenimada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay caasimadda Gobolka Bakool ee Huddur.

Aadan Maxamed Nuur Saransoor ayaa ol ole weyn ugu jira sidii uu u heli lahaa xilka Madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed.

Waxaan la filayaa in uu magaalada Xudur ee Gobolka Bakool kula kulmo Bulshada Qeybaheeda kala duwan oo ay koow ka yihiin Odayaasha Dhaqanka iyo Mas’uuliyiinta kale.

Dhawaan ayaa lafilayaa in ay dhacdo doorasho loogu tartamayo xilka Madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Waxaana haatan musharaxnimadooda ku dhawaaqey musharixiin badan oo uu ka mid yahay                    Aadam Maxamed Nuur (Saransoor).by Anteeno