(SAWIRObanaanbax ka dhacay Degmada Garbahaarey

Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo maanta oo Jimco ah waxaa ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday xubno Wasiiro ah oo gaaray magaaladaasi.

Banaanbaxan ayaa yimid kadib markii garoonka diyaaradaha magaalada Garbahaarey ay gaareen Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta Jubbaland Aw Xirsi iyo Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Jubbaland Xirsi Gaani.

Banaanbaxan ayaa waxaa horkacayay masuuliyiinta degmada iyo saraakiisha ciidamada, iyadaoo wadooyinka magaalada ay isugu soo baxeen dadweyne fara badan, kuwaasi oo ka soo horjeeda Wasiirada.(SA

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa la soo warinayaa in ay si toos ah u bartilmaameedsadeen Wasiirada, waxaana la soo sheegayaa in waxyeelo la gaarsiiyay laba Wasiir.

Wasiirka Qorsheynta Jubbaland Aw Xirsi ayaa sidan ku soo qoray bartiisa Facebooka “Ma ahi imaamkii ugu horreeyey oo isagoo dantooda ku boorrinaya ay caamo tolkii ahi wejigiisa dhagaxyo la beegsadeen”.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya Wasiiradan inay hordhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maalinta berri ah tagaya magaalada Garbahaarey.

Hubanti la’aan ayaa ka taagan tagitaanka Axmed Madoobe ee magaalada Garbahaarey, maadaama maanta Wasiiradii tagay magaaladaasi lagala hor tagay banaanbax weyn.