(Sawiro)Baydhabo ooTababar Loogu Soo Xiray 500 Askari

Tababarkan loogu soo xirayay 500 askari oo ka tirsan ciidamada qeybta 60aad ee xoogga dalka soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka socotay qeybta 60aad iyo saraakiisha tababarka bixinayay ee ka socday dowladda Uk.

Ugu horeyntii goobta Ciidamada tababarkan loogu soo xiraayay ayaa waxaa ka hadlay Col Andy Downey oo ah taliyaha Uk ee qeybta tababarada ciidanka xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60aad, asagoona sheegay in tababarkan ay bilaabeen Bishii February ee sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2017 kaas oo socday muddo kusiman sanad iyo bar.

Sidoo kale munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay abaanduulaha ciidamada qeybta 60aad ee xoogga dalka soomaaliyeed gaashaanle sare ismaaciil Khilaaf Shire,asagoona Saraakiisha Ka socota Uk uga mahad celiyay dadaalka ay wadaan ee ku aadan tababarka iyo qalabaynta ciidamada.

Tababarkan shanta boqol askari  loo soo xiray ayaa qeyb ka noqonaya dhismaha 18,000 oo ciidanka xoogga ah kuwaasi oo la doonayo inay dhowaan badelaan ciidmada midowga Africa ee Amisom soomaaliya.